4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Itoobiya

 

Axad, April, 30, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar.

Madaxweynaha ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo bishii hore ay dowladda Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya ahna Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Danjire Jamaaludiin Mustafa Omar ayaa ugu horeyn madaxweynaha u gudbiyay nuqulo ka mid ah waraaqdiisa danjirnimo iyo dhambaal uu ka sido Madaxweynaha dowladda Itoobiya Mulatu Teshome.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhoweeyay xafiiskiisa Danjiraha cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin, oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali, kana soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Qaabilaada Madaxweynaha oo aheyd mid hab maamuus leh oo la heer ah mida diblomaasiyadda Caalamiga ah, ayaa waxaa la is dhinac dhigay Calamada Itoobiya iyo Soomaaliya, xilliga Madaxweynuhu guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii wasiirka arrimaha DF Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirnimo uu ka guddoomay Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo todobaadkan la filayo in booqasho rasmi ah uu ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]