4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2017
Maxkamad ku taalla Gobolka Hiiraan oo xukuntay saddex dhallinyaro ah

 
Axad, April, 30, 2017 (HOL) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta Gobolka Hiiraan, ayaa maanta xukunno kala duwan ku riddey Saddex dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay iney geysteen falal kala duwan.

Magacyada saddexda dhallinyarada ah ayaa lagu kala sheegay:-

1 - Ex-Dable xoogga C/salaan Yuusuf Maxamuud oo lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

2 -Bashiir Maxamed Nabadey, oo lagu xukumay  5 Sano oo xabsi ciidan ah.

3- Shuceyb Cabey Cumar , oo lagu xukumay 1 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhallinyaradda la xukumay ayaa lagu eedeeyay in ay horay u geysteen falalburcadnimo ah, iyagoona dhac u geysanayay dadka ku dhaqan Gobolkaasi Hiiraan, sida Maxkamadda ay sheegtay.

Cabdicasiis Cabdulle Xasan oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan, ayaa ku dhawaaqay xukunka dhallinyaradan lagu ridday, waxaana uu intaasi raaciyay in cadaallada la horkeeni doono qof kasta oo dambi geysta.

Xukunno kala duwan oo xabsi ah ayaa lagu riday dhallinyarada, oo laba ka mid ah ay ahaayeen shacab halka midka kalana uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Gobollada koonfurta Soomaaliya, ayaa dhawaanadan waday xukunadda lagu riddayo dadka ku jira xabsiyada ee sugayay in la xukumo.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu, Somalia