Xisbiga WADANI oo eeddo u soo jeediyey ciidamada Booliska iyo jawaabta booliska bixiyeen
Axad, April, 30, 2017 (HOL)- Siyaasi C/risaaq Khaliif oo ka
tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xukuumadda iyo
ciidanka booliska ku eedeeyey inay xidheen masuuliyiin ka tirsan xisbigoodda.
Khaliif ayaa sheegay in wakhti ay
ku jiraan hoolka maxkamadda oo dacwaddi uga socotay laba masuul oo ka tirsan
xisbiga WADANI uu sarkaal ka tirsan ciidanka boolisku u hanjabay masuul ka tirsan
xisbiga, isla markaaana markii dibadda loo soo baxay ay xabsiga u taxeen.
“Waxaa maxkamadda la keena y laba
sarkaal oo ka tirsan xisbiga WADANI, waxa ka qaybgalnay anagoo ah masuuliyiin
ka tirsan xisbiga dacwadda laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga uga socotay
maxkamadda, arrintaasi oo ahayd inuu xisbigu muujiyo dareenkiisa iyo cadaalad
darada jirta, iyadoo nidaamku socdo ayey niman boolis ahi maxkamadii soo
weerareen, masuuliyiinta xisbiga oo hoolkii fadhiya uu taliyihii saldhiga ee
Hargeysa weerar ku soo qaadeen oo masuul
hoolka fadhiyey u hanjabay, markii
dibadda loo soo baxayna waxay xidheen Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur oo ku
biiray kuwii hore u xidhnaa, masuuliyiin qaarna la xidhay qaar kalena jidh dil
loo gaystay”ayuu yidhi C/risaaq Khaliif oo ka hadlayey isku dhac ku yimid
masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo ciidanka Booliska.
“Arrintaasi waxay muujinaysa sida
xukuumadda jirta ugu fashilantay inay ilaaliso amnigii dalka, inay ilaaliso
xuquuqdii asxaabta ilaaliso, inamada xidhan waxay u xiran yihiin aragtidoodii
oo ay dhiibteen oo kaliya”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Dhinaca kale, Afhayeenka ciidanka
Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa isna xisbiga WADANI ku eedeeyey in
masuulka la xidhay u hanjabay taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa.
“hoolka dacwadda ka socotay waxa
buuq iyo sawaxan ka bilaabay nimankii WADANI ka socday, iyagoo u adkaysan kari
waayey eeddii xeer ilaalinta gobolku ku eedeeyey labadda maxbuus ee xidhan”ayuu
yidhi Faysal Xiis oo iska fogaynayey eedda loo soo jeediyey.
Mar uu ka hadlayey masuul xisbiga
ka tirsan oo xabsiga loo taxaabay waxauu yidhi “ ninka la yidhaahdo C/laahi Daamur
wuxuu si ula kac ah u weeraray taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa Maxamed
Case, waxaanu ugu hanjabay xabad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa, isagoo
sarkaalkaasi shaqadiisii ku gudda jiro, markii maxkamaddii dhamaatay waxa ciidanku boolisku ka soo qabteen
dibadda, niman abaabulan oo xisbiga ka tirsan waxay soo weerareen ciidanka
booliska oo dhagaxaan iyo ulo la dhaceen, waxayna dhaawac u gaysteen qaar ka
mid ah ciidanka booliska, marka ninkaasi Fal dambiyeed buu gallay waxaana si
degdeg ah loo horgayn doona xafiiska xeer ilaalinta,boolisku cid ay u
habranayaan ma jirto, dambi cidii gasha waa la qabanayaa, waxay doonayeen inay
khalkhal ku ridaan hab u socodkii nidaamka maxkamadda”.
Si kastaba ha ahaatee, waxa muddo
labaataneeyo xidhan laba sarkaal oo ka tirsan garabka dhalinyaradda ee xisbiga
WADANI, kuwaas oo lagu eedeeyey inay wadeen kicin dadweyne, taas oo
maxkamaddoodu ka socotay magaaladda Hargeysa.
Waxaana hadda labadan sarkaal ku
soo biiray oo hadda isna xidhan sarkaal kale oo magaciisa la yidhaahdo Cabdilaahi Axmed Daamur oo isna lagu haysto
inuu u hanjabay sarkaal ciidanka booliska ka tirsan, wallow xisbiga WADANI
arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay, isla markaana sharci daro ku xidhan
yihiin saddexda sarkaal ee ka tirsan xisbiga WADANI.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.