4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2017
Madaxweeynaha Jubaland: Dowladda Soomaaliya Hawaday xukuntaa, Shabaabna Dhulka


Axad, April, 30, 2017 (HOL) -Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo khudbad ka jeediyay xaflad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay ay tababarro dhanka ciidanka uga socdeen Kismaayo ayaa sheegay in loo baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay guud ahaan gobollada dalka uga biloowdaan howlgallo Shabaab looga xoreeynayo dalka.

Tababarkan oo loo soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa waxaa sidoo kale munaasibaddii xiritaanka ka qeybgalay Wasiiru dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Max'ed Cali Xagaa iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxweeynaha ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay sida ugu dhaqsaha badan usoo qalabeeyso ciidamo gaarayay in ka badan 1500 oo askari oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ee tababarka loo soo xiray.

Dhinaca kale, Madaxweeynaha ayaa soo hadal qaaday tirade loo qorsheeyay in ay noqon doonaan ciidamada xoogga dalka isagoo yiri. “Waxaa aad loo hadal hayaa 18,000 oo ciidamo xoogga dalka ah, way yartahay, kabadan baa loo baahanyahay, war 18,000 maahane waxaan u baahannahay 10,000 oo ciidan ah, oo rasmi ah, oo tayeeysan, oo jirtaan u baahannahay.”

Madaxweeynaha ayaa sheegay in ciidamo ka badan kuwa Shabaab ay heeysato dowladda, balse laga gaabiyay in ciidamadaasi la howlgeliyo.

“Dowladda Soomaaliyeed hawada ayay xukuntaa, Shabaabna Dhulkuu xukumaa,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raciyay, isagoo sheegay in hadii masuul dowladeed u safrayo magaalo ka mid ah gobollada dalka uu u raacayo diyaarad.

“Waxaan u baahannahay howlgal adag in aan galno, Ciidanku malahan eedda, AMISOM-na malahan, annaga masuuliyiinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa leh,” ayuu intaa ku daray.

Kulan wadatashi ah oo dhawaan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu dhisay guddiga amniga qaranka, kaa oo uu gudoomin doono madaxweeynaha dowladda dhexe, halka dowlad goboleedyadana ay hogaamin doonaan madaxdooda, waxaana la isku raacay in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.