4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2017
QM oo ku tilmaamtay shirka London Somali Conference mid muhiimad u leh Isbedelka Soomaaliya

 
Axad, April, 30, 2017 (HOL) -Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, Michel Keating, ayaa sheegay in shirka London Somali Conference uu muhiim gaar ah u leeyahay isbedelka dalka Soomaaliya.

Shirka London ayaa waxaa lagu wadaa in uu furmo 11-ka bisha May ee fooda nagu soo heysa, waxaana looga hadli doonaa arrimaha dalka Soomaaliya.

Mudane Keating ayaa sheegay inuu Shirka London muhiimad ballaran u yahay Xoojinta Iskaashiga Wada-shaqeynta ee Soomaaaliya iyo Beesha Caalamka.

Mar uu ka hadlayey qoddobadda looga hadlayo Shirka London waxa uu tilmaamay inay ka mid yihiin Ammaanka, Taageeradda Abaaraha iyo Dib-u-soo-kabashadda Dhaqaallaha iyo Mudnaanta Qoddobadda Siyaasadda oo ay ku jirto Dib-u-eegista Dastuurka iyo Horumarka Dimuqraadiyeynta si loo gaaro Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod sannadka 2020-ka.

Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa.:

1-      Xaqiijinta ammniga

2-      Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada

3-      Hormarinta dhaqaallaha

4-      Heshiisyo cusub

Sanadkii 2011, dalka Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaaro saameysay deegano badan oo ay maamulayeen Al Shabaab, waxaana abaartaasi ay galaafatay nolosha dad badan, sidoo kale isla sanadkaasi waxaa jiray afduubyo ay geysanayeen kooxaha burcad badeeda.

Soomaaliya ayaa kasoo kabsatay dhibaatooyinkaasi, kadib markii sanadkii 2012 la dhameystiray dowladnimada Soomaalidda, waxaana biloowday Qariirada federaaliisamka, sidoo kalana ay ciidanka AMISOM ay la wareegeen magaalooyin badan.

Shirka Londan, ayaa waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay taageerad umadda Soomaaliyeed, sidaasi waxaa yiri dowladda Ingiriiska.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia