4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo dib u dayactir lagu sameynayo

 

Sabti, April, 29, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta dhagax dhigay waddo laba KM ah oo isku xirta Isgoysyada Kaaran iyo Xaawa Casir ee degmadda Kaaran ee Gobolka Banaadir.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka, saraakiisha laamaha amniga ee magaalladda Muqdisho iyo dadweynaha degmadda Kaaraan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabaddii maanta lagu dhagaxdhigayay waddada.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmadda Kaaran in ay kaalin ka qaataan nadaafada iyo bilicda magaalladda.

“Nadaafadda waa waxa ugu muhiimsan, Kaaraan waa amni, waa meel dadka aad u degan yihiin, maadaama amni tahay,  waddadiina loo dhisay, Insha’alah Kaaraan waa u kaltan,” sidaa waxaa yiri Thaabit.

Dhinaca kale Mudan Thaabit ayaa kormeer ku sameeyay goobaha ganacsi ee ku yaalla degmadda Kaaran, waxaana uu la kulmay ganacsatadda yar-yar ee degmaddasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalladda Muqdisho ayaa booqday Isbitaalka Keysaney ee degmadda Kaaran isagoo halkaasi kula kulmay bukaano qaba xanuuno kala duwan, waxa uuna gudoomiyaha uu mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka.

Gudoomiyaha ayaa inta uu booqashada ku jiray waxa uu la kulmay qaar kamid ah bukaanada isbitaalka lagu daweynayo, isagoo ka wareystay xaaladooda caafimad iyo mudada ay isbitaalka ku jiraan sidoo kale waxuu xaalada isbitaalka iyo baahida ka jirta ka wareystay maamulka iyo dhakhaatirta isbitaalka Keysaney.

Gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalladda Muqdisho, ayaa tan iyo markii la magacaabay waxaa uu muujinayay fir-fircooni gaar ah.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia