4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2017
Dhakhaatiir Imaaraadka ah oo baaritaan caafimaad oo bilaasha ah ka wadda magaaladda Hargeysa


Sabti, April, ,29 , 2017 (HOL) – Garoonka weyn ee kubadda ee Hargeysa Stadium waxa maalmihhii u dambeeyey ka socday baadhitaanno caafimaad oo bilaash ah oo ay fulinayeen dhakhaatiir ka socota wadanka Imaaraadka.

In ka badan shan kun oo qof oo dadka danyarta ah ayaa iska diiwaangaliyey baadhitaanka caafimaad ee dhakhaatiirta Ajananabiga ahi wadaan, kuwaas oo qalabkoodii iyo dawooyinkoodiiba wata.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta kormeer ku tagay garoonkaasii iyo sida hawshu u socoto, waxaanu madaxweynuhu kormeerkiisa xog waran kaga dhegeystay dhakhaatiirtii ku guda jiray hawshaasi caafimaad.

Markii kormeerka madaxweynuhu soo dhamaadayna waxa saxaafadda la hadlay dhakhaatiirtii hawsha gacanta ku haysay oo sheegay inay si fiican hawshu ugu socoto,isla markaana muddo ilaa lix cishaba ah dalka joogi doonaan.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Saleebaan Axmed Ciise (Xaglotoosiye), oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay hawshu u socoto iyo dadka la daweeyey ilaa wakhtigan, waxa uu yidhi "Dhakhaatiirtan Imaaraadka waxa la shaqaynaya dhakhaatiirta wasaaradda caafimaadku, madaxwayne mudadii dhawrka casho ahayd ee ay joogeen waxa is diiwaan galiyay 5,000 oo qof ilaa hadda waxay daweeyeen oo ay la kulmeen 2,000 oo qof waxaanu ku rajo waynahay inay 5,000-ba arkaan. Waxay dawaynayeen cuduro kala duwan. Waxa kale oo farxad noo ah in dhakhaatiirta wasaarada caafimaadku la shaqayn doonaan ururkan una raaci doonaan meel kasta oo caalamka ka tirsan".

Intaas kadibna madaxweyne Siilaanyo ayaa u mahad naqay dhakhaatiirtan iyo dawladda Imaaraadka Carabta ee soo dirtay, waxaanu yidhi "Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dawladda imaaraadka iyo dhakhaatiirta halkan timi waxyaabaha ay qabteen iyo hawlaha ay tarayaan aad baanu ugu mahad celinayaan Alle haydinla qabto gacan buuxdana waa idin siinaynaa waxaanu idinla qaban karnana waa idinla qabanaynaa"

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland