4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2017
Shir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya oo ka furmay Magaalladda Dubai

 

Sabti, April, 29, 2017 (HOL) -Magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carrabta waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayay arrimaha maalgashiga dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay oo furay Amb. Jamaal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaallaha Xukuumadda Soomaaliya, mas'uuliyiin ka socota Qunsuliyada Somalidda ee Dubai, Xasan M, Dudde oo ah qaban qaabiyaha Shirka oo ka socday "Somali Economic Forum" iyo Mudane Abubakar Mubarak Cabdalla oo ka mid ah Guddiga Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Sharjah

Dhinaca kale shirka waxaa goob-joog ka ahaa ganacsato Soomaali ah iyo mas'uuliyiin kale oo daneeya arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirkii maanta furmay ayaa waxaa loogu magaca daray “4th Somalia Investment Summit”.

Arrimaha looga hadlay Shirka maalgashiga Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa, wax soo saarka beeraha, kalluumeeysiga iyo Xoolaha, tamarta, gaska, saliida iyo  fikrado kale oo maalgashiyo ah.

Mudanayaashii ka qeyb-galay kulanka ayaa is dhaafsaday fakrado ku aadan sidii dib boorka looga jafi lahaa maalgashiga dalka. 

Qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb-gashay kulanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa sidii loo muujin lahaa dhiiragelin ku aadan maalgashiga dalka Soomaaliya, oo kheyraad aad u farabada uu Alle ku maneystay.

Soomaaliya ayaa leh dhul beereed aad u ballaaran, haddana waxaa la sheegayaa in aad uu u yaryahay dalaga kasoo go' beeraha dalka.

Haddaba sidee lagu hormarin karaa wax soo saarka beeraha, maxayse yihiin caqabadaha haysta beeraleyda iyo kalluumeysatay dalka Soomaaliya, waa Su'aallah u baahan in jawaabahooda la helo.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia