Sabti, April, 29, 2017 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay, ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameynayo xeerka saxaafadda.
Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta kala hadlay muhiimada xeerka saxaafadda iyo in
Dowladdu ay diyaar u tahay in xeerka uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan
yihiin oo dib u eegis lagu sameynayo.
Wasiirka ayaa yiri “Waxaan dhageystay cabashooyinka suxufiyiinta ee ku aadan
qodobo xeerka saxaafada ka mid ah, una ballanqaaday in dib u eegis lagu
sameynayo. Waxaan ka codsaday suxufiyiinta inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo
gudbiyaan tallooyinkooda si loo saxo qodobadaas, madaxweynihii hore ayaa
saxiixay dikreetadii xeerka bishii Janaayo 2016kii oo Xeerku ansax yahay,
haddana waxaan tixgelineynaa codsiga suxufiyiinta, waana sababta aan dib u
eegista ugu sameyneyno.”
“Dowladdu waxey bilaabeysaa wadatashiyo
la xiriira xeerka saxaafada si xeerku u noqdo mid la dhaqangelin karo, oo ka
tarjumaya marxaladda dalka uu marayo iyo sida loogu baahan yahay in xeerka
saxaafadu uu u noqon lahaa mid heer caalami ah, waan ognahay qodobada ay ka mid
yihiin in suxufigu uu heysto shahaado jaamacadeed ee dhinaca warbaahinta ah,
tan oo aan ka tarjumeynin marxaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, sidaas
daraadeed, waxaa naga go’an in tallooyinka qeybaha bulshada iyo suxufiyiinta ay
muhiim u tahay dhaqangelinta xeerka, oo aan dooneyno in suxufiyiinta ay ku
qanacsan yihiin.”
Wasiirka wasaarada warfaafinta, ayaa ugu dambeyntii sheegay in dib u eegista
lagala tashan doono hay’adaha, Wasaarada Xaquuqul Insaanka iyo Guddiga
Baarlamaanka ee Xaquuqul Insaanka si loo hubiyo in xeerku uu ka tarjumayo
shuruucda Xaquuqul Insaanka dalka iyo kuwa caalamiga ah.
Waxaa uu ka codsaday suxufiyiinta Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah,
dhammaan qeybaha bulshada, hay’adaha caalamka ee taageera warbaahinta
Soomaaliya iyo beesha caalamka inay tallooyinkooda sida ugu dhaqsiyaha badan
noogu soo gudbiyaan si loo tixgeliyo oo loogu daro dib u eegista xeerka
saxaafadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]