4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2017
Doorashadii madaxtinimada Galmudug oo dib loo dhigay


Sabti, April, 29, 2017 (HOL) -Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay in dib loo dhigay doorashada madaxtinimada maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada la qaban doono, saddexda bisha May ee fooda nagu soo heysa, waxaana markii hore ballanta ay aheyd in la qabto 30 Bisha April oo maalinta berri ah ku beegan.

Musharaxiinta madaxtinimadda ee maamul-gobolleedka Galmudug ayaa maanta oo Sabti ah lagu waday in ay Baarlamaanka ka horjeediyaan Waxqabadkooda.

Musharaxiinta Maanta Qudbaddaha jeedin lahaa  waxaa ay kala yihiin Musharax Madaxweyne Xaaf Ducaale Geelle, Axmed Shariif Cali Hiloowle iyo Prof C/qaadir Shirwac.

Guddomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa ii sheegay in 1-da bisha May ay Musharaxiinta madaxtinimadda ee maamul-gobolleedka Galmudug ay ka hor jeedin doonaan Baarlamaanka Waxqabadkooda.

Baarlamaanka maamulkaasi ayaa lagula dardaarmay in ay si wanaagsan u dhegeystaan Qudbadaha si ay go’aan uga gaaraan qofka ay codkooda siinayan, maalinta doorashada.

26-kii bishii February ee sanadkan, ayuu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug,  Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay. 

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia