4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 29, 2017
Dhallinyaro iskood isku abaabushay oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka Daryeel ee Buuhoodle


Sabti, April, 29, 2017 (HOL)- Dhallinyaro reer Hargeysa oo iskood isku abaabulay oo la baxday Geediga gurmadka Abaaraha, ayaa Cisbitaalka Daryeel ee magaaladda Buuhoodle gaadhsiisay alaabooyin kala duwan oo iskugu jira, dawo, biyo, cunto iyo Dhar.

Dhallinyaradan ayaa ka soo kicintay magaaladda Hargeysa, waxaanay maalmihii u dambeeyey abaabulayeen dhalinyaraddu sidii ay uga qaybqaadan lahaayeeen gurmadka loogu jiro badbaadinta dadka soo ridanayo Xanuunkan Shuban biyoodka oo kor usii socda.

Dhalinyaradan Gurmadka ahi waxay cisbitaalka soo gaadhsisiyeen Dawooyinkii lagu dabiibayay bukaanka oo ka koobnaa 37 kartoon, 850 kartoon oo biyo ah, 7-kartoon oo sharaab ah, 10 Tanag, saddex kartoon oo Timir ah , 2 kartoon oo Saliida, 3 kartoon oo caano ah iyo maryo ama dhar loogu talogalay bukaanka jiifa Cusbitaalka, si loogu fulliyo adeegyada dawaynta iyo quudinta bukaanka.

Dhalinyaradan iskood isku abaabulay ayaa hal ku dheg ka dhigtay miyey hiil waayeen, waxaanay maalmihii u dambeeyey iskaga dab qaadayeen Buuhoodle iyo Hargeysa, iyagoo baraha bulshadda ku soo bandhigayey baahidda taala cisbitaalka Buuhoodle, waxaanay dhalinyaraddu ka codsanayeen bulshadda Soomaaliyeed inay gargaarkaasi iyo gurmadkaasi socda ka qaybqaataan oo la badbaadiyo dadka u jiifa Xanuunkan Shuban biyoodka ah.

Dhalinyaradan gurmadka siday waxa magaaladda Buuhoodle ku soo dhoweeyey dhalinyaro reer Buuhoodle ah oo kaga hor tagay duleedka magaalada, kuwaas uga mahad naqay gurmadkan ay dhalinyaraddu soo abaabuleen ee ay soo gaadhsiiyeen magaaladda Buuhoodle.

Sidoo kale, dhalinyaradan gurmadka wadda ayaaa iyaguna si weyn ugu mahad naqay dhalinyaraddii soo dhoweysay iyo sida wacnayd ee loo soo dhoweeyey, taas oo ay ku amaaneen.

Cisbitaalka magaaladda Buuhoodle ayaa la sheegay inay xaalad adag ka jirto,isla markaana dad daro badani u jiifaan xanuunkan Shuban biyoodka ah, halka qaarkood laga keenayo deegaanadda u dhow dhow.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.