4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2017
Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya oo xukuntay laba Nin oo lala xiriiriyay Al Shabaab

 
Sabti, April, 29, 2017 (HOL) -Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay 6 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba nin oo ay ku eedeysay in ay doonayeen in gudaha dalka Itoobiya ka aas-aasaan koox xiriir la leh Al Shabaab.

Labada Nin ee Maxkamadda xukunka ay ku riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Bedris Yesuf iyo Anis Usman.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Federaalka dalka Itoobiya ayaa sheegay in raggaasi la xiray saddex sano ka hor, iyaga oo qorsheynaya in ay qaadaan weeraro argagaxiso.

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada ciidamadda usoo diray Soomaaliya, si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya oo dagaal hadda kula jirta Xarakadda Al Shabaab.

Xabsiyo ku yaalla dalalka Africa ayaa waxaa buux dhaafiyay dhalinyaro lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab. Dalka Kenya ayaa waxaa la sheegaa in ay ku xiranyihiin boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo ciidamadda dowladda Kenya ay gacanta kusoo dhigeen.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka fuliyay wadamada ciidamadda usoo diray Soomaaliya, gaar ahaan Kenya , Uganda iyo Itoobiya.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia