4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2017
Faafaahin: Xildhibaan ka badbaaday Qarax Miino oo lagu eegtay Magaalladda Muqdishu

 
Sabti, April, 29, 2017 (HOL) -Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Maxamuud Abuukaate), ayaa xalay ka badbaaday Qarax lagula eegtay Xaafadda Taleex ee degmadda Hodan, gaar ahaan meel u dhow xaruunta degmadda Hodan ee Magaalladda Muqdishu.

Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay, waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada Xildhibaanka, sida uu ii sheegay Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha degmadda Hodon. 

“Qaraxa waxaa uu ahaa mid anniga la doonayay in waxyeelo la igu gaarsiiyo, balse laba ka mid ah ilaaladeyda ayaa ku dhaawacmay”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi.

Guddoomiyaha degmadda Hodan Axmed Salaad, ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo gaar ah oo lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay Qaraxa miino.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Dhinaca kale, xalay waxaa degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dilka askariga ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa weyn oo ah meel mashquul badan.

Sidoo kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Dan-wadaagta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa shalay barqanimadii toogasho ku dilay darawal waday gaari Caasi ah oo looga shakiyay in Qaraxyo ay saarnaayeen.

Horaantii bishan ayeey aheyd markii ciidamada dowladda ku toogteen isgoyska Dan-wadaagta labo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay hoobiyaal ku tuurayeen qeybo ka mid ah degmadda Wadajir.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia