4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2017
Xildhibaan ka badbaaday Qarax lagula eegtay Magaalladda Muqdishu


Jimco, April, 28, 2017 (HOL) -Xildhibaan Maxamuud Abukaate, ayaa caawa ka badbaaday Qarax lagula eegtay meel u dhow xaruunta degmadda Hodan ee Magaalladda Muqdishu.

Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay, waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada Xildhibaanka, sida uu ii sheegay Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha degmadda Hodon. 

Ciidanka dowladda ayaa hadda howlgallo ka sameynaya guud ahaan degmadda Hodan, gaar ahaan nawaaxiga xaruunta degmadda, halkaas oo ah goobtii Qaraxa lagula eegtay Xildhibaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen laba qof oo dhaawac qaba.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday Xildhibaan Maxamuud Abukaate

Dhinaca kale, caawa waxaa degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dilka askariga ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa weyn, oo ah meel mashquul badan.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, ka hor inta ciidanka amaanka imaan goobta.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Dan-wadaagta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa barqanimadii maanta toogasho ku dilay darawal waday gaari Caasi/Hoomey ah oo laga shakiyay.
 
Horaantii bisha ayeey aheyd markii ciidamada dowladda ku toogteen isgoyska Dan-wadaagta labo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay hoobiyaal ku tuurayeen qeybo ka mid ah degmada.
 
Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia