4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2017
Fanaankii weynaa ee Rashiid Bullo oo saakay ku geeriyooday magaalada Hargeysa


Jimco, April, 28 2017 (HOL)- Alla ha u naxariisto Rashiiid Bullo Ibraahim oo ka mid ahaa fanaanniintii aasaaska fanka casriga ayaa saaka ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

Alla ha u naxariistee waxa uu Rashiid Bullo fanka ku jiray in ka badan nus qarni, waxaanu fanka soo galay kontomeedkii wakhtigii gumaystuhu wadanka haystay, waxaanu ahaa raggii bud dhigay fankan casriga iyo qaabka uu hadda yahay, waxa uu ka mid ahaa walaalihii Hargeysa oo ahaa kooxdii ugu horeysay ee geyiga Soomaalidu degto laga aasaasay, waxaanu markii ka dibanna noqday hoboladdii Waaberi .

Rashiid Bullo Ibraahim waxa uu dhashay 1936,waxaanu shaqadii ugu horeysay ka qabtay Radio Hargeysa wakhtigii la furay dhawr iyo afartankii, waxaanu shaqadda ku bilaabay Muusikaddda, waxaanu markii dambe noqday heesaa, Laxakista iyo mu aluf, isagoo wakhtiyadda hore ahaa fanaanka kaliya ee loogu jecel yahay geyiga Somaalidda.

Heesaha uu laxankeeda lahaa waxa ka mid ahaa warsan iyo Weedhsan i soo waceey - oo ay qaaday Aamina Feyr Xuseen, waxa kale oo ka mid ah Sidii Eyro geel oo ay wada qaadeen Rashiid Bullo iyo Farxiyo Cali. Waxa kale oo ka mid ahaa habeenkii wacnaa oo ay qaado Sahra Axmed.

Heesta uu caanka ku yahay ee u utartanka u galay waxay ahayd “tanni waa Hargeysa herarka gaaban idinkala hadlaysee habeen wanaagsan” waa heesta habeen kasta lagu soo xidho Radio Hargeysa marka ay ka baxayso.

Rashiid Buullo waxa uu leeyahay taariikh dheer, waxaanu ka mid ahaa dadkii dhibaatadda badan la soo maray fanka casriga ah markii Suugaanta loo bedelayey heesaha Miisiga leh.

Ilaahay ha u naxariistee Rashiid Buullo wuxuu hadda ka shaqaynayey Radio Hargeysa oo uu jooga Kaydka Cajaladaha, waxaanu xalay xiili dambe uu geeriyooday.

Rashiid Bullo Ibraahim waxa uu guursaday hal xaas waxaanay u dhashay sagaal caruur ah, saddex wiil iyo lix gabdhood,caruurta dhalay iyo kuwa sii dhaleen marka la isku darana waxa ay yihiin 34 caruur ah.

Haddii aanu nahay bahda Hiiraan Online waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii uu ka baxay, waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu janaddii fardawsa galiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.