4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Xiriirka aniga iyo madaxweynaha waa mid ku saleysan danta umadda

 

Jimco, April, 28, 2017 (HOL) –  Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay arimo dowr ah gaar ahaan xaalada dalka ee waqtigan iyo xiriirka ka dhaxeeya isaga madaxweynaha .

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in ay ka shaqeyso marka hore arimaha dib-u-hishiisiinta si loo gaaro hormar iyo nabad dalkana looga sameeyo isbadal la taaban karo.

Mar uu soo hadal qaaday xiriirka wada shaqeynneyd  kala dhaxeeya madaxweynaha ayuu yiri ‘’ Kalsoonida aan ku qabo wada shaqeynta aniga iyo Madaxweynaha waa 100%, xiriirka aniga iyo Madaxweynaha naga dhaxeeya waa xiriir ku saleysan danta Umadda Soomaaliyeed, wax dan gooni ah aan leenahay aniga iyo Madaxweynaha ma jirto”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku garab istaagaan isaga iyo madaxweynaha kalsoonida iyo wada shaqeynta fiican ee ka dhaxeysa.

‘’Waxaan is leenahay shacabku isma khilaafsana ee waa Siyaasiyiinta cida uu khilaafka u dhaxeeyo, sidaa daradeed dhamaanteen waxaa nagala rabaa in aan wada jir u shaqeyno, si aan mar danbe bulshada loo qal qal galin’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Hadalka ra’iisal wasaare Kheyre ayaa imanaya xili dowladihii dalka isaga danbeeyay mudadii afarta sano aheyd min saddex ra’iisal wasaare ku soo shaqeeyeen, kadib khilaaf inta badan soo kala dhaxgallay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]