4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2017
Roob lagu qaboowsaday oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne iyo deegaanno hoostaga [Sawirro]


Jimco, April, 28, 2017 (HOL) –  Xili guud ahaan dalka ay ka jirto abaar baahsan oo saameyn weyn ku yeellatay dadka iyo duuniyada ayaa dhinaca kale qeybo badan ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya waxaa laga soo sheegayaa roobabkii xiliga gu’ga oo si wanaagsan uga da’aya.

Magaalada Beledweyne ayaa xalay waxaa ka da’ay roob ay ku qaboowsadeen dadka oo meelaha qaarna magaalada biyo dhigay, iyadoo dhinaca kalana gugaca iyo hilaaca roobka laga arkayay ilaa waabarigii hore ee saakay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

Curashada roobabka xiliga gu’ga ayaa ku soo beegmay waqti dadka iyo duuniyada siweyn ugu baahi qabeen, waxaana muuqata in sii socoshada raxmada alle ay soo celin doonto rajada dadka u badan xoola dhaqatada iyo beeraleyda oo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay nolasha ka taagnaa heer quus ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]