4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2017
Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay darawal waday gaari Caasi ah magaalada Muqdisho

 

Jimco, April, 28, 2017 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Dan-wadaagta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa barqanimdii maanta toogasho ku dilay darawal waday gaari Caasi/Hoomey ah oo laga shakiyay.

Gaar ahaan toogashadan ayaa ka dhacday ilinka laga gaalo xarunta Xalane qeybta Madiine Gate wadada gasha garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho, kaddib markii ay ciidamada ka shakiyeen gaariga Caasiga ah oo xowli ku socday.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada isku dayeen in ay joojiyaan gaariga, laakiin uu ka dhaga-adeygay taasoo keentay in ay rasaas ku furaan.

Hasse ahaatee baaritaan la sheegay in markii danbe lagu sameeyay gaariga Caasiga ah ayaa la ogaaday in uusan sidin wax qaraxyo ah, laakiin uu darawalka ka baxsanayay ciidamada dowladda oo halkaa gadiidka canshuur uga qaada.

Todobaadkii ka hor ayeey aheyd markii ciidamada dowladda ku toogteen isgoyska Dan-wadaagta labo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay hoobiyaal ku tuurayeen qeybo ka mid ah degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]