4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2017
Guddida doorashooyinka Somaliland oo shaaciyey in la bilaabayo qaybinta kaararka codaynta

 

Jimco, April, 28, 2017 (HOL) - Jimco, April, 28 2017 (HOL)- Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey in maalinta Barri ah(Sabtidda) goboladda Awdal, Saaxil iyo 12 goobood oo gobolka Sanaag ah qaybintii kaararka doorashadda.

Munaasibaddo lagu kala qabtay magaaladda Berbera iyo Boorama oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta xisbiyadda qaranka ayaa lagu shaaciyey bilowga qaadashada kaadhadhka codeynta.

Xubnaha guddida doorashooyinka iyo masuuliyiinta xisbiyada siyaasadda ayaa bulshadda ku dhaqan goboladaasi laga bilaabayo ku dhiirigaliyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waxaanay xuseen inay isku beegmeen curashadda Gu’gii oo roobabka ka da’ay deegaanada iyo bilowga qaadashadda kaadhadhka codeynta.

Guddoomiyaha xisbiga kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo hogaamiyaha xisbiga WADANI xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa iyagu ka qaybgalay munaasibadda gobolka Awdal lagaga dhowaaqayey bilowga qaybinta kaadhadhka codbixinta.

Halka musharaxa xisbiga WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo masuuliyiin kale oo xisbiyada kale ka socdan ka qaybgaleen xafladda ka dhacaysay gobolka Saaxil, gaar ahaaan magaaladda Berbera, kuwaas bulshadda ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka codeynta

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.