4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2017
Ururka Al-Saacdicuuna Bil Xaq oo khilaaf ka dhax abuuray mas’uuliyiinta maamul gobolleedka Puntland

 

Jimco, April, 28, 2017 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Camey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan dhawaan dhaxmaray guddoomiyaha gobolka Nuugaal iyo xubno ka tirsan urur diimeedka lagu magacaabo Al- Saadicuuna Bil Xaq oo looga dhawaaqay qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ururka Al-Saadicuuna Bil Xaq uu xaaraan ka yahay sida uu hadalka u dhigay deegaannada dowlad gobolleedka Puntland.

Waxaa uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka  in Puntland tahay maamulkii ugu horeeyay ee go’aan ka soo saara ururkan, islamarkaana u cadeynayo maamulada kale ee dalka ka jira in go’aankoodii waxba iska badalin kana soo horjeedaan jiritaanka ururkan iyo in uu ka dhax shaqeeyo deegaannada Puntland.

 

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo dhawaan kulan la yeeshay xubno ururka  ayaa sheegay in ay is afgarad gaareen dhamaanba tuhunnadii la qabay, sidaa daraadeed wixii hadda ka danbeeya ka mid yihiin culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hogaamiyayaasha ururka iyo maamulka gobolka Nugaal isku afgarteen dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen, taasoo meesha ka saareysa ayuu yiri shakigii markii hore la qabay.

Xubnaha ururka ayaa iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey oo ah ay ka mid yihiin firqada takfiirka iyo gaaleysiita dadka muslimiinta, waxayna eedeymahaas ku tilmaameen kuwo been abuur ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]