4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2017
Daawo: Labada Manchester oo “Gool” la’aan ku heshiiyay

Jimco, April, 28, 2017 (HOL) -Kooxaha Manchester City iyo Manchester United, ayaa bar-baro gool la’aan ah ku kala baxay kulankii Etihad Stadium ee Manchester Derby.

Kulankan ayaa ahaa mid si wayn loo sugayay isla markaana ay labada kooxood ku dagaalamayeen kaalmaha loogu soo baxayo Champions Leaque-ga.  

Mourinho iyo Guardiola, ayaa sheegay in ay soo wada bandhigeen ciyaar najiijo farxad leh aan ka dhalan, sida ay yiraahdeen.

Manchester United iyo Manchester City ayaa baaqi ku sii ahaan doona kaalmihii shanaad iyo afraad ee ay markii horeba ku jireen.

Marouane Fellaini ayaa Man United kaarka cas ka qaatay daqiiqaddii 86-aad ka dib markii qalad weyn uu ku sameeyay Aguero

Kaarkii roosaha ee Marouane Fellaini, uu ka qaatay kooxda United-ka, kama aysan faa'ideysan city. 
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester City XI (4-2-3-1): Bravo; Zabaleta, Kompany, Otamendi, Kolarov; Toure, Fernandinho; Sterling, De Bruyne, Sane; Aguero.

KAYDKA:Caballero, Sagna, Clichy, Garcia, Fernando, Navas, Jesus.

Manchester United XI (4-3-3): De Gea; Valencia, Bailly, Blind, Darmian; Herrera, Carrick, Fellaini; Mkhitaryan, Rashford, Martial.

KAYDKA:  Romero, Tuanzebe, Fosu-Mensah, Shaw, Young, Lingard, Rooney.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia