4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2017
Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Magaalladda Galkacyo

 
Jimco, April, 28, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa xalay Magaalladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay nabadoon caan ahaa, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jaamac Diirshe (Maxamuud Fareey), sidoo kalana marxuumka waxaa uu ahaa Ganacsade.

Dilka marxuumka ayaa waxaa uu ka dhacay Waqooyiga magaalladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii falka dilka geystay.

Maamulka Puntland ayaa ku amray ciidamada ammaanka in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka geystay.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa howlgallo ka sameyay goobtii dilka uu ka dhacay, balse uma suuragelin in ay gacanta kusoo dhigaan dableydii dilka geysatay.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada dilka Nabadoon Jaamac Diirshe (Maxamuud Fareey).

Xaaladda Waqooyga magaalladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah kusoo noqday ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, sida ay saaka noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia