4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2017
Aqriso: Dowladda Soomaaliya oo soo saartay war- murtiyeed ku saabsan wada-hadaladii Galmudug iyo Ahlu-Sunna

 
Jimco, April, 28, 2017 (HOL) -Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay war- murtiyeed ku saabsan wada-hadaladii u-socday maamulladda Galmudug iyo Ahlu-Sunna.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo jiitamayay mudo sanado ah, waxaana dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirtay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka, maadaama hadda loo socdo doorashada madaxweynaha mamulkaasi.

30-ka bishan ayaa loo ballansanyahay in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo, waxaana la saadaalinayay, ka hor jadwalka doorashada in khilaafka labada dhinac la dhameeyo, si Ahlu-Sunna ay qeyb uga noqdaan doorashada.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa bishan guddi heer wasiiro ah u magacaabay wada hadalka labada dhinac, waxaana kamid ah wasiirada la magacaabay wasiirka arimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid”Juxa” iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar. 

Maamulka Ahlu-Sunna ayaa ah awood kale oo Soomaaliya ku sugan, marka laga soo tago maamul-gobolleedyada sharciga ah ee dowladda Soomaaliya u-diiwaangashan.

Halkaan ka aqriso War-murtiyeedka.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia