Dibadbaxyo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah deegaannada uu ka arimiyo maamulka Hirshabeelle
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -
Dibadaxyadan oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle
ayaa xoogooda ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Balacad oo ka wada tirsan
gobolka Shabeellaha dhexe, halka magaalada Beledweyne maamulka gobolka Hiiraan iyo
mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle dadka meel fagaaro ah kula hadleen.
Dadka ka qeybgallay dibadbaxyda ka dhacay Jowhar iyo Balacad ayaa ku eedeeyay
dowladda federaalka in ay cunaqabateyneyso dadka ku dhaqan deegaannada maamulka
Hirshabeelle, iyaga oo dhinaca kalana sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii
madaxweynaha maamulka.
Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhegyo ka
tarjumayay ujeedada banaanbaxa waxaana ka mid ahaa”Waan diidanahay in
cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle, waxaan taageersannahay go’aanka
madaxweynaha maamulka, Waan diidanahay xadgudubka dowlada federalka ku hayso
Hirshabeelle iyo halku dhegyo kale.”
Dibadbaxa ka dhacay Jowhar ayaa waxaa ka qeybgallay wasiirka duulista hawada
Hirshabeelle Maxamed Cabdule Batalaale,Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda
C/karin Cali Nuur,wasiir ku xigeenka dastuurka Maxamed Siyad Kheyre,xildhibaan
Barqadle,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaran iyo oday
dhaqameedyo.
Magaalada Beledweyne mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo xubno ka
tirsan gollaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa dadka meel fagaaro ah kula
hadlay iyaga oo dhaliil u jeediyay dowladda Soomaaliya.
Dowladda federaalka ayaa dhawaan soo saartay amar looga joojinayo garoonka
diyaaradaha magaalada Jowhar diyaaradihii Khaadka ee tagi jiray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]