4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2017
Baydhabo : Xasaaska Al-shabaab oo lagu wargaliyay in ay is diiwangliyaan

 

Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) – Taliska ciidamada booliiska maamulka K/galbeed ayaa markii ugu horeysay ugu baaqay xasaaska saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab in ay isa soo diiwaan-galiyaan.

Taliyaha ciidamada booliiska maamulka K/galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu wargaliyay xasaaska Al-shabaab in ay is diiwaangaliyaan arintaa oo sida uu hadalka u dhigay qeyb ka ah sugida amniga.

‘’Baydbabo lama maamul kama jiraan, waxaa maamula maamulka K/galbeed, horay ayaa ugu sheegnay xasaaska Al-shabaab ee Baydhabo ku sugan in ay isa soo diiwaangaliyaan, tiro yar ayaa inoo timid intoodii badneyd wali magaalada ayeey ku dhuumaaleysanayaan’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska maamulka K/galbeed Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo fariin noocan ah loo diro xasaaska saraakiisha iyo dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka K/galbeed uu ka arimiyo.

Dhawaan ayeey maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku toogatay magaalada Baydhabo afar dhalinyaro ah ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]