4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2017
Puntland oo kulan la qaadatay urur diimeedka Al Saaciduuna Bil Xaq

 

Talaado, April, 25, 2017 (HOL) – Maamulka gobolka Nuugaal iyo saraakiisha ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa kulan la yeeshay maanta xubo ka tirsan urur diimeedka Al-Saaciduuna Bil-xaq oo dhawaan laga mamnuucay deegaannada Puntland.

Kulanka oo noqonaya kii ugu horeeyay ee labada dhinac si toos ah u dhaxmara ayaa lagu hishiiyay qodobo dhowr ah oo dhamaantood quseeya dhaqdhaqaaqa urur diimeedkan oo Puntland uga shakisay in uu ka mid yahay ururada lagu tilmaamo argagixisada.

'' Waxaa ku heshiinay, inaysan ka mid ahayn urur diimeedka takfiir. innaysan wax ah hub ah qaadan karin, inaysan sameyn karin wax tababar ciidan, inaysan siyaasad ku jirin gelina karin, in aysan nabad gelyada Puntland dhibaato ugeysan, in ay diyaar u noqdaan inay dowladda iyo cid walba oo fekerkooda ka soo horjeeda la kulmaan, si wax looga weydiiyo afkaartooda, in ay dowladda la kulmi karaan,  ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Jamaal Xasan Aw Muuse oo ka mid ah xubnaha Jaamacadda Saadicuun bil xaq ee ku sugan Puntland ayaa sheegay inaysan urur diimeedkoodu ahayn urur Takfiiri ah oo aan la lahayn wax xiriir ah ururka Alshabaab.

Heshiiskaan dhex maray maamulka gobalka Nugaal, taliska la dagaalanka argagixisada iyo xubnahaan Al-Saaciduuna Bil Xaq ayaa ku soo aadaya xili dalka Soomaaliya laga mamnuucay urur diimeedkaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]