4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2017
BELEDWEYNE : Odayaal u xir xiran askari qof shacab ah dilay

 Talaado, April, 25, 2017 (HOL) – Maamulka degmada Beledweyne ayaa sheegay in sii xirnaan doonaan ilaa 11 oday dhaqameed oo dhawaan xabsiga la dhigay, kaddib markii la sheegay in ay isku heyb ka soo jeedaan askari qof shacab ah ku dilay dulleedka degmada Beledweyne.

Maxamed Ibraahim Food Cade guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa sheegay in odayaashan looga fadhiyo in ay soo gacan-galiyaan askari qof shacab ah ku dilay duleedka magaalada oo la sheegay in uu ka baxsaday ciidamada.

‘’Waa lagu raad joogaa askarigii dilka geystay odayaashana waa ay sii xirnaan doonaan ilaa hay’adda amniga loo soo gacangalinayo askariga dilka geystay ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

Odayaashan ayaa dhinacooda ku doodaya in aysan ogeyn sabab xabsi ku muteysan karaan, madaama maamulka shaqadiisa tahay in ay soo qabtaan askariga dilka geystay.

Waa markii ugu horeysay oo tiro intaa la eg oo odayaal ah xabsiga loo dhigo iyaga oo ku eedeysan in ay isku heyb yihiin askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dil geystay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]