Isniin, April, 24 2017 (HOL)- Guddi hoosaadka shuruucda,
garsoorka iyo arrimaha xuquuqal isnaanka golaha guurtida ayaa soo
bandhigay goboladda dalka dilalkii iyo
kufsigii ka dhacay.
Guddidan ayaa warbixintan ka soo
xigatay xeer ilaalinta, waxaana golaha guurtida usoo jeediyey warbixintan, iyagoo
kala sheegan gobol walba siday wax uga dhaceen.
“Guddida shuruucda iyo garsoorka
ee golaha guurtidda, waxay la kulmeen xeer ilaalinta, waxaanay na siisay
warbixintii dilalkii dhacay sanadkii 2016 kii, waxaana gobolka Maroodi jeex lagu dilay 15 dil, budhcad
108, kufsi 26, shil gaadhi 55, maandooriya 27, isku day dil 18 buu ahaa,Gobolka
Togdheer dilku wuxuu ahaa 27,
budhcad 37, kufsi 17, Shil –gaadhi 29, Maandoriye 43, Isku day 17, Awdal Dil 6, Budhcad-nimo 11, Kufsi 8,
Shil 4, Maandooriye 12, Isku day dil 4,.
Saaxil 12 dil, Budhcad 4,Kufsi 6
Shil 47, Mandoriye 20, Iskuday dil 2. Sanaag
Dil 6, Budhcad 4, Kufsi 19, Shil baabuur
6, Maandooriye 4, Isku day 8 . Sool dil 3, Budhacadnimo 5,
Kufsi 8, Shil 12, Mandooriye 24, Isku
day dil 24. Gabiley: dil 5, budhcad
9, kufsi 5, shil gaadhi 34, maandooriye
24 iyo iskuday dil 0. Saraar: dil 4,
budhcad 0, kufsi 2, shil gaadhi 2, maandooriye 0 iyo isku day dil 3.
Isu gaynta guud Total:
dil 77, budhcad 167, kufsi 91, shil gaadhi 189, maandooriye 156 iyo
iskuday dil 59.”
Golaha Guurtidda oo ah hay’;ada
nabadaynta u qaabilsan wadanka ayaa guddidan garsorka iyo shuruucdu sheegeen
inay meelo badan tageen,isla markaana waxyaalhii ay ka soo ururiyeen la
wadaagayaan gole weynaha.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.