4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay sababta safarkiisii ugu horeeyay uu uga bilaabay Baydhabo

 

Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalkii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa ku tagay magaalada Baydhabo ayaa sheegay sababta safarkiisa iyo waxa uu u doortay in uu Baydhabo ka bilaabo.

‘’Waxaan xasuustaa markii la doortay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud safarkii uu halkan [Baydhabo] ku yimid isaga oo la tashi dadka kala sameynaya cidda uu ra’iisal wasaaraha ka dhigayo in aad u sheegteen Farmaajo ayaa rabnaa, xasuus gaar ah ayeey ii leedahay waana tan keentay in aan safarkeygii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa halka ka bilaabo ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha in shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo yihiin shacab jecel sida uu hadalka u dhigay dowladnimada, isaga oo dhinaca kalana balanqaaday in dowladdiisa ka shaqeyn doonto fududeynta doonista iyo rabitaanka dadka ku dhaqan deegaannada K/galbeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo qeyb ka tahay u kuurgalka xaalada bani’aadannimo dadka ku dhaqan deegaannada K/galbeed oo saameyn adag ay ku yeelatay abaarta.

Dhinaca amaanka mar uu ka hadlay ayuu sheegay in dowladdiisa waxa ugu horeeya oo ay ka shaqeyneyso tahay sidii leysugu furi lahaa wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho oo marar badan oo hore ay codsadeen mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed Soomaaliya.

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee Farmaajo uu ku taggo Magaalo ku taala dalka, kana baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sooamaaliya, 8-dii bishii February.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]