4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha AMISOM oo kulan ku yeeshay degmada Buula-burte (Sawirro)


Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) –Degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi uu horkacayay madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana wafdiga qeyb ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka kala soctay AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Odayaal, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte oo si caadi ay u isticmaalaan diyaaradaha isaga kala goosha magaalada Beledweyne iyo caasimada Muqdisho.

Soo dhaweyn kadib wafdiga maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada AMISOM gaar ahaan qeybta Jabuuti ayaa kulan ay warbahinta dibad joog ka aheyd ku yeeshay degmada, waxaana inta badan looga hadlay kulanka arimaha amniga sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyintii ka qeybgashay.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo warbaahinta kula hadlay degmada ayaa ku sheegay ujeedada socdaalkooda in ay u kuurgaalaan guud ahaanba xaalada nolaleed ee degmada oo mudo dheer go’adoon ugu jirta xarrakada Al-shabaab.

Gaar ahaan waxaa uu soo hadal qaaday arimaha abaaraha madaama degmadu ka mid tahay meelaha ay sida weyn u saameysay abaarta oo ay u sii dheer tahay go’doominta ay ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay dowladda Jabuuti geerida askari lagu dilay maalintii shalay bartamaha degmada, taasoo xiisad ka dhax abuurtay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Inkastoo guud ahaan ujeedada socdaalka wafdiga ballaaran ee maanta gaaray degmada Buula-burte lagu sheegay wax ka ogaashaha xaaladaha amniga iyo nolasha dadka halkaa ku dhaqan, ayaa hadana dhinaca kale waxaan meesha ka mareyn xalinta khilaafka ka dhashay dilka askariga ka tirsanaa ciidamada Jabuuti oo lagu eedeyay in uu ka danbeeyay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Buula-burte.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]