Axad, April, 02, 2017(HOL)- Kalfadhigii sedexaad ee baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland oo lagu waday in uu maanta ka furmo magaalada Kismaayo ayaa dib u dhacay ilaa maalinta berito ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 03 April.
Gudoomiyaha hab dhowrka baarlamanka Jubaland Bashiir Max'ed Baahale oo la hadlay shabakadda HOL ayaa sheegay in dib u dhaca ay sabab u tahay tiro xildhibaanno ah oo safarro ku maqnaa oo maanta soo gaaraya magaalada, waxa uu sheegay in kalfadhigu berito si rasmi ah u furmi doono.
"Wax caqabad ah ma jirin, keliya waxaan maanta sugeeynay ku dhawaad 10 xildhibaan oo safar uga maqnayd magaalada, berito ayuu noo furmayaa haduu Rabbi qadaro," ayuu gudoomiyaha habdhowrka baarlamanka hadalkiisii raaciyay.
Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu wadaa in uu daahfuro kalfadhiga sedexaad ee baarlamanka Jubaland oo si rasmi ah u furmi doona maalinta berito ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Kalfadhigii Baarlamanka Jubaland oo dib u dhacay ilaa malainta berito ah
More News
- Muuqaal: Wiil 8-jir ah oo uu dhalay Wariye Coldoon oo ka codsaday Madaxweyne Siilaanyo in lasii daayo Aabihiis
- Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Turkiga oo deeq raashin ah ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Turkiga oo kulan ku yeeshay Muqdishu
- Ra'iisal wasaare Kheyre oo ka mahad celiyay taageerada dowladda Turkiga
- Duuliye Afrikaan ah oo soo Gaba-gabeeyay safar dhanka Hawada ah oo uu ku marayay Caalamaka oo dhan
- Madaafiic lagu garaacay saldhig ciidamadda AMISOM ay leeyihiin
- Maxey tahay u-jeedka booqashada Muqdishu ee Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga?
- Shaqaale ka tirsan wasaarada maaliyada oo lagu weeraray magaalada Muqdisho
- Gudoomiyaha gobolka Gedo: Amniga gobolka waan xaqiijinnay, Qurbajoogta waxaan ugu baaqeeynaa in ay Maalgashtaan
- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray
- Wariye Hanad Cali Guuleed oo shalay la afduubtay oo maanta la helay isagoo la jir dilay
- Maxey tahay sababtii loo afduubtay wariye Hanad Cali Guuleed?
- Wasiirka cusub ee Maaliyada dowladda Soomaaliya oo Sheegay in ay ilaalin doonaan Hantida umadda
- Taliyaha Booliska Kenya oo amray in la baaro laba wiil oo markii la dilayay muuqaal laga duubay +Video
- Kalfadhigii Baarlamaanka maamulka Jubaland oo maanta furmaya
- Wasiirkii hore ee Dekeddaha oo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday
- Xoogagga Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay
- Dad ka badan 200 oo ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay dalka Colombia