4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
kooxda Chelsea oo caawa laga adkaaday, Manchester 2-0 Chelsea

 

Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Kooxda Manchester United ayaa 2-0 ku garaacday kooxda Chelsea, taas oo ka dhigeysa in United-ka ay soo gaba-gabeeyeen guul la’aan heysatay mudo aad u dheer.

Guusha ay gaartay kooxda Manchester ayaa waxaa fursad wanaagsan ay u noqoneysaa kooxda Tottenham oo kaalinta labaad ku jirta, waxaana markan ay usoo dhawaan kartaa kaalinta koowaad.

Manchester ayaa labada gool ee ay ku adkaatay waxaa u kala dhaliyay ciyaartooyda kala ah Marcus Rashford iyo Ander Herrera.

Kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa hadda waxaa u dhexeeya farqi yar dhinaca kala sareynta horyaalka.  
Ander Herrera ayaa noqday xidigii ugu fiicnaa garoonka isla markaana saamaynta wax go’aamisay ka sameeyay kullanka.

Dhinaca kooxda Chelsea marka la eego Eden Hazard ayaa la oran karay kullankii caawa in si buuxda uu ugu fashilmay wuxuuna helay qiimayn 4 darajo oo kaliya ah waxaana la mid ah Diego Costa oo intii uu gool dhalin lahaa ku mashquulay difaaca Man United. 

Garsoore Robert Madley oo u dhashay dalka England, ayaa waxaa ka muuqatay feejignaan maadaama ciyaarta ay aheyd mid adag. 
Waxyaabihii layaabka lahaa ee Ciyaarta:

Kooxda Chelsea ayaa ku guuldareysatay in “hal Shuut” oo halis ah ay ku tuuraan goolka kooxda Manchester, waxaana dhibaatada noocaasi oo kala ah ugu dambeysay sanadkii 2007.

Manchester ayaa guul la’aan heysatay 8- kullan oo ay la ciyaartay kooxda Chelasea, waxaana ay midaasi soo gaba-gabeyen caawa.

Shaxdii kooxda United-ka:

Manchester United: De Gea (7), Valencia (7), Bailly (7), Rojo (7), Darmian (7), Fellaini (7), Herrera (9), Young (8), Pogba (7), Lingard (7), Rashford (8)

Badalkii: Carrick (6), Ibrahimovic (6), Fosu-Mensah (6)

Shaxdii kooxda Chelsea: 

Chelsea: Begovic (5), Azpilicueta (6), Luiz (5), Cahill (6), Moses (5), Kante (5), Matic (6), Zouma (5), Pedro (6), Costa (4), Hazard (4)
Badalkii: Fabregas (5), Willian (6), Loftus-Cheek (6).

Halkaan ka Daawo:- 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia