4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 16, 2017
Goobihii doorashada oo la soo xiray iyo tirinta codadkii aftida Turkiga oo bilaabatay

Axad, April, 16, 2017 (HOL) - Waxaa goor dhaw la soo xiray goobihii codbixinta dalka Turkiga kadib markii maanta dadka dalkaasi u dareereen aftida wax ka badalka dastuurka dalkaas, si dalka uu ugu wareego nidaamka madaxtooyada.

Waxaa lagu wadaa in isla caawa la soo saaro natiijada hor dhaca ah, waxaana xiligan soconaya tirinta codadka ay dadku dhiibteen, iyadoo aad moodo in kala bar la tiriyay codadka.

Aftidan ayaa u dhexeysa xisbiga madaxweyne Erdogan oo horkacaya isbedelada cusub ee dastuuriga ah, kuwaas oo shacabka uga raadinaya ogolaansho halka xisbiyo badan oo mucaarad ahina ay aad uga soo horjeedaan.

Cod bixinta ayaa lagu sheegay in ay noqoneyso tii ugu saameynta badneyd guud ahaan taariikhda dalka Turkiga, waxaana siweyn loogu dhagtaagayaa hadba halka ay natiijada ku soo dhamaato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]