4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 16, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda maamul gobolleedyada oo ka wada hadlay xaalada abaarta

Axad, April, 16, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeybgalleen madaxda dowlad gobolleedyada dalka oo warbixin ka dhageystay gudiga gurmadka abaaraha heer Qaran.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa siweyn loogu lafaguray xaalada abaarta ka jirta dalka iyo halka ay marayaan dadaallada loogu gurmanayo dadka ay abaartu saameysay.

Guddoomiyaha guddiga gurmad abaaraha ee heer Qaran Sheekh Nuur Baaruud ayaa sheegay in mudadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen intooda badan la gaaarsiyay dadkii u baahnaa, wuxuna si gaar ah mahad uga mahad celiyay cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.

Qaar ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku ammaanay guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmo shisheeyo.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka turjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaxmaray mas’uuliyiinta dowladda federaalka, madaxda dowlad gobolleedyada iyo guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]