4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 16, 2017
Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

 

Axad, April, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir iyo wafdi uu ballaaran oo uu horkacayo ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka .

Ujeedada socdaalka wafdiga ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay ka qeybgalka wada hadallada iyaga iyo Galmudug oo ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka.

Mas’uuliyiinta ka socda Ahlu Sunna ayaa Muqdisho ku sii sugnaan doona maalmaha nagu soo foolka leh, si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac.

Horay waxaa Muqdisho u sii joogay wafdi ka socda Galmudug oo uu horkacayo ku–simaha madaxweynaha maamulka Galmudug .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]