4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 16, 2017
Wararkii ugu danbeeyay aftida loo qaadayo wax ka badalka dastuurka dalka Turkiga

 

Axad, April, 16, 2017 (HOL) - Malaayiin qof oo Turkish ah ayaa maanta markii ugu horeysay u dareeray codaynta afti dadweyne oo isbedel lagu sameenayo dastuurka dalkaasi si awood ballaaran loo siiyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Erdogan ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay ku codeeyaa HAA taa oo macnaheedu yahay in awood dheeraad ah la siiyo madaxtooyada, iyadoo laga gudbayo habka baarlamaanniga ah ee hadda ka jira dalkaas.

Aftidan ayaa u muuqata mid ay ku kala qaybsameen dadka Turkiga, iyadoo xisbiyadda mucaraadku ay bannaanbaxyo ay qabsadeen ay kaga digeen in HAA loogu codeeyo aftida, taasi oo horseedi karta ayay yiraahdeen in xukunka u gacanta u galo qof kaliya.

Taageerayaasha Erdogan waxay ku doodayaan in isbedalkaasi uu ka dhigi doono dalka mid horumar ku tallaabsado, halka kuwa ka soo horjeeda ay ku doodayaan in dalka ay u horseedi doonto inuu galo nidaam kaligii-talis ah.

 

Qiyaastii 55 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codkooda ka dhiibtaan ilaa iyo 167,000 oo goobaha codbixinta ah.

Haddii aftida HAA loogu codeeyo, waxaa la baabiin doonaan jagada ra’isul wasaaraha oo awood badan, iyadoo bedelkeeda la magacaabi doono madaxweyne Ku-xigeen.

Erdogan ayaa doonya in hanaanka dalkaasi lagu maamulo ee baarlamaaniga loo beddalo mid madaxtinnimo si la mid ah dalalka Mareykanka iyo Faranisiiska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]