4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
Wasiirka amniga oo ka hadlay howlgal ciidanka ay ku dileen laba Nin oo Hoobiyaal tuuray

 

Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya ayaa dilay labo nin oo ka mid ahaa koox maanta madaafiic ka tuuray degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah labada nin ee la dilay iyo ciidanka dowladda ayaa mudo kooban isku rasaaseeyay degmadda, kadibna ninkii hubeysnaa waxaa uu galay Guri ku yaalla degmadaasi Wadajir, halkaas oo ay ciidanka markii dambe ku toogteen.

Dhinaca kale gaari ay wateen ragga madaafiicda tuuray ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka dowladda balse markii dambe gaariga oo ay ku xirnaayeen waxyaabaha Qarxa ayaa goobta ku qarxay.

Wasiirka amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo gaaray degmadda Wadajir ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka taas oo suuragal ka dhigtay in laga hortago kooxdii weerarka soo qaaday, sida hadalka uu u dhigay.

“Howlgalkii ciidanka ay fuliyeen waa lagu guuleystay, waxa aan amaanayaa ciidanka dowladda, sidoo kale labada nin ee la dilay waxaa ay ahaayeen kuwii degmadda wadajir u qaabilsanaa in hoobiyaasha ay ka tuuraan”, sidaasi waxaa yiri wasiirka.

Dhinaca kale wasiirka amniga ayaa sheegay in mid ka mid ah labada nin ee la dilay in uu ahaa ninkii dilay xoghayihii degmadda Wadajir Cabdiraxmaan.

Dilka raggan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili xalay ciidamada ammaanka ay degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia