4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
Ciidamada DF oo toogasho ku dilay mid ka mid ah kooxo hoobiyayaal ku tuuray qeybo ka mid ah Muqdisho

 
Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Ciidanka dowladda Soomaaliya, ayaa toogtay mid ka mid ah koox Hoobiyaal maanta ka tuuray xaafadda Buula-xuubeey ee degmadda wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari ay saaranyihiin Hoobiyaal oo ay wateen kooxda.

Hoobiyaasha ay kooxda tuureen ayaa qeyb ka mid ah waxaa ay ku dheceen xaafadda Ceel-qalow ee degmadda wadajir, waxaana la sheegayaa in ay jiraan khasaare ka dhashay Hoobiyaasha.

Howlgallo xooggan ayaa hadda ka socda xaafadda Buula-xuubeey ee degmadda wadajir ee Gobolka Banaadir.

Hoobiyaasha ayaa loo tuuray dhinaca garoonka diyaarada iyo xerada Amisom ee Xalane.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan meydka ninka la dilay iyo ragga kale ee ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Hoobiyaasha.

Hiiraan Online,
Mogadishu,Somalia