4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
Diyaaradaha Mareykanka oo la sheegay 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabab in ay ku dileen Soomaaliya

 
Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Inkabadan 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa la aaminsanyahay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya aroornimadii Sabtida, sidaasi waxaa yiri saraakiil diiday in magacooda la sheego.

Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii January ee sanadkii 2016 Al Shabaab ay ku dileen inkabadan 100 askari oo ciidanka dowladda Kenya ka tirsanaa.

Warkan oo lagu qoray Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynyta ay ku dhinteen 20 ka mid ah taliyaasha sar-sare ee Al Shabaab oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Fillow iyo Cabdiraxmaan Ben Dutie, sidaasi waxaa yiri sarkaal diiday in magiciisa la sheego.

“Duqeynta waxaa ay dhacday saacada markeey aheyd 2 a,m, qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay goobo ay Al Shabaab joogaan”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ee ku sugan Ceel-Cadde.

Warkaan lagu qoray Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaana si madaxbanaan wali aan loo xaqiijin, mana jiraan warar kasoo baxay dhinaca xarakadda Al Shabaab.

Duqeynta diyaaradaha Mareykanka ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ciidamo American ah loo soo daabulay magaalladda Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa gaaraya tira ahaan daraasiin waxaana tababaro ay siin doonnaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ee dagaalka kula jira Xarakadda Al Shabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka degay magaalladda Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee Muqdishu hadda jooga, ayaa noqonaya  ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaaray, marka laga soo tago tiro yar oo ah lataliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo haray Soomaaliya usoo gaaray.

Mareykanka wax ciidan militeri ah kama joogin Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 1994, xiligaas oo ciidamadii Militeriga Mareykanka laga saaray howlgalkii faragelinta UN-ka ee Soomaaliya.

Shan bilood kadib xiligaasi, 18 askari oo American ah ayaa waxaa lagu dilay magaalladda Muqdishu waxaana dilkooda laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

12-kii bishan April,  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabada xuska 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay wadahadal lala galo madaxda Al-shabaab.

Hiiraan Online News-Desk 
Translated from Xinhua