4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
Shirka dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada oo maanta la soo gabagabeynayo

 
Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Waxaa maanta magaalladda Muqdishu la filayaa in lagu soo gaba-gabeeyo shirka u socda madaxda dowladda Fedaraalka iyo hogaamiyeyaasha Dowlad-Goballeedyada hoosyimaada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Shirka ayaa shalay waxaa Madaxtooyada Soomaaliya ka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Furitaanka kullankii shalay waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Pro Jawaari, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.

Arrimaha looga hadlay kullanka waxaa ugu muhiimsan Xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo Maamul-Gobolleedyada, xasilinta ammniga dalka iyo shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska oo looga hadalayo horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in waxa ugu weyn ee lagaga wada hadlayo ay tahay sugidda amniga qaranka.

Shirka London Somalia Conference ee bisha May ka furmaya magaalladda London, ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, sida ammaanka, dowlad-wanaaga, arrimaha abaaraha iyo dimuqraadiyada.

War murtiyeed ayaa la filayaa in maanta laga soo saaro kullanka.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia