4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2017
Sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Soomaaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho

 
Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado, islamarkaana ku socday gaari yar oo kuwa raaxda ah ayaa fiidnimadii caawa xaafadda Aansalooti ee degmada Xamar Jajab ku toogtay sarkaal ka tirsanaa howlwadeennada madaxtooyada Soomaaliya iyo nin kale oo la socday.

Guddoomiyaha degmada Xamar jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa warbaahinta u sheegay in labadii ragga dilka geysatay iyo gaarigii ay wateen gacanta lagu soo dhigay xili ay isku dayayeen in ay baxsadaan ka dib howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka.

Guddoomiyaha degmada ayaa intaa ku darray in raggan la qabtay lagu wareejin doono laamaha danbi baarista dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cali ayaa la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasta lagu weeraray, waxaana sidoo kale la gaariyooday qof kale oo ay wada socdeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]