4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Shiinaha

Sabti, April, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Safiirka cusub ee Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safiirka cusub ee Shiinaha ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga, iyo dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Shiinaha.

Safiirka cusub ee Shiinaha Qin Jian ayaa sheegay inuu xoojin doono xiriirka Soomaaliya iyo dalka shiinaha oo ahaa mid muddo soo jiray.

Qin Jian ayaa badalaya safiirkii horay u joogay ee waqtigiisa dhamaaday oo lagu magacaabo Wei-Hongtian hasse ahaatee Soomaalida ku naaneystay Warsame Geeljire islamarkaana ku hadla afka Soomaaliga.

Shiinaha ayaa ka mid ah wadamada taageera Soomaaliya, waxaa horay ay u dhiseen Xarunta Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Stadium Muqdisho iyo mashaariic kale oo ay ka hirgeliyeen dalka bur burkii dowladda dhexe ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]