4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2017
Wararkii ugu danbeeyay kulanka dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada ee ka socda Muqdisho

 Sabti, April, 15, 2017 (HOL) – Kulankan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaxmara dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka ayaa looga wada hadlayaa qodobo dhowr ah.

Madaxweynayaasha dowlad gobobolleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ayaa ka wada qeybgallaya shirkan oo uu daah furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobada ugu muhiisan ee kulankan looga wada hadlayo ayaa lagu sheegay ammaanka Qaranka, la dagaalanka Al-Shabaab, dar dar gelinta arrimaha isku dhafka Ciidamada iyo arrimaha shirka London.

Gaar ahaan dowladda federaalka ayaa kulanka xoogga ku saari doonta sidii madaxda maamul gobolleedyada ka dhisan dalka looga raaridi lahaa in ajende mideysan lala tago shirka bisha May ka furmaya magaalada London ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Kulanka oo lagu wado in maalinta beri ah la soo gabagabeeyo ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan qodobada lagu heshiiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladiisa mudnaanta koowaad siin doonto hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka dhisan, waxaana muuqata in kulanka bilow u yahay balanqaadkii madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]