4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Urur Diimeedka Al-Saadicuun Bilxaq oo laga Mamnuucay Puntland iyo howl-gallo ka dhan ah ururkaas oo Bilaabanaya

Sawirka: Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne.


Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Kulan balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Garowe ayaa looga soo horjeestay koox diimeed-ka 'Saadicuun Bilxaq' oo dhawaan looga dhawaaqay qaybo kamid ah Somalia oo ay ku jirto magaalada Garowe.

Waxaa ka soo qayb-galay kulankan maamulka gobolka Nugaal , taliyayaasha ciidamada amniga Puntland oo ay ku jiraan kuwa qaabilsan la dagaalanka argagaxisada iyo madax sar-sare oo ka tirsan maamulka.

"Gobolka Nugaal waxaa laga mamnuucay urur diimeedka Takfiir iyo kan hadda la magac baxay 'Saadicuun-bilxaq', laakin annagu aanu u naqaan-no "Al-saariquuna bilxaq"  kuwii xaq-qa xaday  " ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne.

"Alsaariquuna Bilxaq ' waxa uu kamid noqonayaa burcad diimeedka dagaalka  ay kula jirto Puntland sida Al-shabaab iyo Daacish ,waxaana shacabka laga codsanayaa in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka,  soona sheegaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxdan " ayuu mar kale yiri Far-weyne.

Waxa uu Faraweyne sheegay in laanta la dagaalanka argagaxisada amar lagu siiyay in ay soo qab-qabtaan cid kasta oo ka tirsan kooxda "Saadicuun bilxaq",waxaana uu sheegay in Garowe ay mamnuuc ka tahay in looga dhawaaqo koox diimeed aan sharciga waafaqsanayn.

Ururkan oo ka soo farcamay Ikhwaanul muslimiinka dalka Masar ayaa qaba in dowladaha Islaamka ay shacabkooduba ay yihiin 'gaalo' sida uu sheegay Shiekh Maxamed Cabdi Umal oo dhawaan qabtay Nadwo uu kaga hadlayay taarikhda kooxdan.

Ugu danbayn , ururkan oo laba garab u qaybsan ayaa mid kamid ah xaruntiisu ay tahay degmada Qardho ee Puntland ,waxaana ololaha lagu qab-qabanayo xubnaha ka tirsan ururkan horey ugu dhawaaqay maamulka Somaliland.

Faysal M. Hassan
[email protected]