4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2017
Goboladda Somaliland oo maanta laga oogay salaad Roob doon ah


Sabti, April, 15, 2017 (HOL) – Guud ahaan goboladda Somaliland ayaa laga oogay salaad Roob doon ah, waxaanay dadweynuhu iskugu soo baxeen garoomadda waaweyn iyagoo ilaahay ka baryaya inuu Roob khayr qaba waraabiyo.

Magaaladda Hargeysa ayaa la iskugu soobaxay garoomada kubadda cagta lagu ciyaaro, waxaana culimadu ilaahay ka baryeyaan inuu Abaarta adkaatay ka jabiyo, roob khayr qabana ku maansheeyo dhulkiisa iyo dadkiisaba.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isna garoonka kubada cagta ee magaaladda Hargeysa kala qaybgalay dadweynaha iskugu soo baxay Alla barigga ee maanta salaadii roob-doonta kula tukaday Hargeysa Stadium.

Markii salaada la tukaday Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyey hadal u badan Duco iyo Alla barri, waxaanu yidhi “Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu roobdoontaa inoo aqbalo, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu madar khayr qaba cirka inaga siiyo, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga jebiyo, ilaahay sidaasaynu ka baryeynaa, ilaahayna ha inoo aqbalo, ilaahaw noo aqbal, ilaahaw noo aqbal”

Guud ahaan goboladda Somaliland, gaar ahaan goboladda Barigga ayaa ay ku dhufatay abaartii ugu adkayd ee muddo dheer la arko, waxaana la sheegayaa inay dad badan haraad iyo cunto la’aan halis ugu jiraan geeri, sidoo kale waxa warar kale oo ka imanaya deegaanka Wadaamo goo ay sheegaan in nin xaaskiisa oo umushay Biyo u waayey uu geed iska soo daldalaayo,isla markaana halkaasi ku geeriyooday.

Baddi dadkii ku noolaa Miyiga ayaa xoolihii ka dhamadeen, waxaana hadda cabsi weyn laga qabaa haddii aanu alla usoo gurman inay dadkuna ku xigaan xoolaha oo tarabtab u geeriyoodaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.