4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2017
Wariye ka hawlgala magaaladda Hargeysa oo afar cisho u xiran ciidanka Booliska Somaliland

 

Sabti, April, 15, 2017 (HOL) – Wariye Cabdiraxmaaan Carab Daa’ud ayaa maalintii afraad u xidhan ciidanka Booliska Somaliland,isla markaana markii la xidhayey aan wax waaran ah loo soo goosan qabashadiisii.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabeen Wariye Cabdiraxmaan Carab Daa’uud oo u shaqeynayey Shabakada Wararka Hangoolnew, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu qoray warar aan xaqiiq aheyn.

“ Ururka Mareegaha Somaliland (SOMA), waxa uu cambaareynayaa xadhiga Wariye Cabdiraxmaan Carab Daa’uud, oo aanu u aragno mid sharci-darro ah, isla-markaana qaabka loo fuliyey iyo asbaabihiisaba xad-gudub iyo gabood fal ku yihiin mabaadi’da iyo ujeedooyinka jiritaanka Madaxbanaanida Saxaafada.”ayaa lagu yidhi war-saxafadeed ka soo baxay ururka mareegaha Somaliland.

Xoghayaha ururka warbaahinta mareegaha Saleebaan Cabdi Cali (kalshaale) oo isna intaas ku daray “Annagoo og inaanay ahayn markii ugu horaysay ee saxafi loo xidho sidan kale, isla-markaana boolisku iyagoo haysan ogolaanshiyo Maxkamaddeed oo ay ku cadyihiin Dambiga Saxaafaddi gashay ay weerar ku qaadaan xarun warbaahineed ama wariye, haddana waxaanu ka walaacsanahay inay wali sii socdaan xad-gudubyada noocaas ahi.

Ugu dambey, ururka SOMA waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Taliska Ciidanka Booliska, in si dhakhso ah xoriyadiisa loogu soo celiyo wariyaha xidhan, oo haddii uu jiro fal-dambiyeed Saxafigu galay loo maro si waafaqsan Shuruucda dalka iyo xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr.27/2004.

Mar kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, waxaanu xusuusinaynaa in Ciidanka Boolisku dhowro Shuruucda dalka ee damaanad qaadaya xurmadda Wariyaha iyo xoriyada Saxaafadd. Ururka SOMA wuxuu dhiiri-gelinayaa madaxbanaanid Saxaafadda oo ku dhisan Anshaxa suubban, waxaanu ka digayaa inay sii socdaan talaabooyinka lagu cabudhinayo Saxaafadda oo aannu aragno inay dhaawacayaan nidaamka Dowladnimo iyo dastuurka dalka ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay ururka Mareegaha Somaliland.

Dhinaca kale, wariyahan waxa loo diiday in la soo booqdo, iyadoo wariyeyaashii soo booqanayey iyo ehelkiisii loo diiday inay arkaan, taas oo khalad ay tahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland