4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Shir u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul- gobolleedyada oo ka furmay Madaxtooyada


Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ka furay Shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamullada dalka ka jira.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhamaan madaxda maamul-gobolleedyada, sida wararka ay sheegayaan.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ajandayaasha shirka looga hadlayo ay ka mid yihiin, sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka u dhexeeya, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kullanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco magaalladda London ee dalka Ingiriiska.

Shirka London Somalia Conference ee bisha May ka furmaya magaalladda London, ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, sida ammaanka, dowlad-wanaaga, arrimaha abaaraha iyo dimuqraadiyada.

Wixii shirkaasi kasoo baxa halkaan kala soco:

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia