4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Xiisad u dhexeysa maamullada Puntland iyo Galmudug oo maanta ka taagan magaalladda Gaalkacyo

 
Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Magaalladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxaa maanta ka taagan xiisad u dhexeeysa maamullada Galmudug iyo Puntland.

Xiisadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay salka ku heyso Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Galkacyo oo dhisme lagu bilaabay.

Guddoomiye ku-xigeenka Ammniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu dhisme ku bilaabay garoonka, taasina ay tahay sababta dhalisay xiisada hadda ka taagan magaalladda.

“Heshiisyadii hadda ka hor la gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa in garoonka magaalladda Galkacyo uu u shaqeeyo Gobolka inta laga gaarayo xal intaasi ka badan, raalina kama nihi waxna kalama socono dhismaha lagu bilaabay garoonka”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiye ku-xigeenka Ammniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed.

Maamulka Puntland wali kama aysan hadlin xiisada ka taagan magaalladda.

Suuqa magaalladda Gaalkacyo, ayaa lagu arkay ciidamo farabadan, waxaana taas ay qal-qal ku beertay ganacsatada suuqa Gaalkacyo.

Dadka ku dhaqan Gaalkacyo ayaa muujinaya wal-wal xooggan, waxaana ay ka cabsi qabaan in dagaal uu qarxo.

Bilowgii sanadkan ayaa qeyb-ka mid ah laga gaaray xal khilaaf mudo soo jiitamayay oo Gaalkacyo ka tagnaa.

Madaxweynayaasha labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, ayaa maanta lagu wadaa in ay kawad qeyb-galaan shirka dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada dalka u dhexeeya, kaasi oo ka furmaya magaalladda Muqdishu.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia