4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2017
Dowladda Mareykanka oo dalka ka saareysa Soomaalida aan sharciga heysan

 Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Ciidamada Ammaanka dalka Mareykanka ayaa bilaabay qabqabashada dadka ajanbiga ah ee aan sharciga heysan gaar ahaan Soomaalida.

Ciidamada ayaa si gaar ah u bartilmaameesanaya dadka soo galootiga ah ee aan wax sharci ah heysan, waxaana xusid mudan in ilaa 10 ruux oo Soomaali ah todobaadkan ku qabteen Atlanta.

Dadka ay ciidamada amaanka iyo laanta Socdaalku beegsanayaan ayaa isugu jira dad aan sharcihaysan iyo kuwa sharciga ka maqanyahay balse dambi ka gallay dalka.

Dadkan ilaa iyo hadda la qabqabtay ayaa intooda badan lagu beegsaday guryahooda iyo suuqyada magaalada Atlanta.

Guddoomiyaha Ururka Somaalida ee Atlanta Cumar Abuukar Shiikheey ayaa VOAda u sheegay in jaaliyadda soomaalidu ay aad uga walaacsantahay tallaabadan cusub.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dambiyada dadka qaar ay galeen ay yihiin dambiyo aad u fudud oo aan istaahilin in lagaga saaro dalka Maraykanka , laguna celiyo Soomaaliya oo haataan duruufo adag ay ka jiraan.

Dhawaan ayeey aheyd markii safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad warbaahinta u sheegay in ilaa 4000 oo Soomaali ah qorshuhu yahay in laga soo tarxiilo dalka Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]