4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Maamulka Hirshabelle oo maslaxad kala dhex-dhigaya Beello ku dagaallamay Sh/Dhexe

 
Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe, ayaa la filayaa in maanta ay ku baxaan beello walaala ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaano, wasiiro iyo waxgarad ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminaayo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle. 

Hirshabeelle ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro dagalladii dhawaan ka dhacay deegaanka oo khasaare xoogan ay ka dhasheen, sida ilo wareedyo ay sheegeen.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in ay gogol isugu keenaan beelaha, iyo sidii looga gudbi lahaa dagaallada dadka rayidka ah ay ku dhamaanayaan.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Xawaadley, ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Xawaadley oo ah halka lagu dagaalamaya ayaa dhawaanada waxaan ka taagneyd xiisado iyo cabsi dadka ay ka muujinayeen in dagallada ay markale qarxaan. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia